Hadii aad ku jirto dhibaato dhanka maskaxda ah, nala soo xiriir hadda.
Caawimaad degdeg ah ayaan siinaa dhaliyarada dhibaatadu haysato
Caawimaad degdeg ah ayaan siinaa dhaliyarada dhibaatadu haysato
Caawimaad dhanka xanuunka maskaxda oo deegaanka kuu dhow ah ayaa kuu diyaar ah 24ka saac maalintii iyo 7da cisho ee asbuucii.
Waanu kusoo booqan karnaa, ama taleefan ayaan kaagaga caawin karnaa wixii dhibaato ah ee ku haysta.
Hadii ay naftaadu halis ku jirto, wac 911.
Adeega caawimaadka maskaxda waa lagu siin ayadoon la tixgalinin inaad kharashka iska bixin karto iyo in kale.
Shaqaalaha dhibaatooyinka caafimaadka maskaxda ayaa diyaar kuu ah 24 saac maalintii, 7 maalmood asbuucii, si ay kuu siiyaan la-talin iyo taageero. Waxaan kaa caawin karnaa inaan kaala shaqayno marka aad xaalad adag ku jirto si aan kaaga caawino xalinta dhibaatooyinka.
Waxaan kaa caawin karnaa in aan dejino qof cadhooday, qof loo taag-waayay ama qof aad u xanaaqsan. Waxaan sidoo kale kugu caawin karnaa in aan xaalada dejino si amaan loo helo.
Shaqaalaha ayaa kaa caawin doona in aad qorshe samaysato si loo xaliyo dhibaatooyinka, wixii hadda jira iyo xaaladaha mustaqbalka iman doonaba.
Xasilinta dhibaatooyinku waa adeeg gurigaaga lagugu soo booqan oo socon kara ilaa afar asbuuc.
Shaqaaleheenu waxay la shaqeeyaan ururada bulshada, isbitaallada, dugsiyada, iyo booliiska si ay uga caawiyaan in si fiican loo fahmo caafimaadka maskaxda.
Sidee ayuu adeega ka hortaga dhibaatadu ii caawin karaa?
Shaqaalaha xalinta dhibaatada ayaa qiimayn ku samayn sidii loo ogaan lahaa dhibaatada jirtaa waxa ay tahay, kadibna waxay isku deyi in ay dejiyaan xiisadda iyo in ay sameeyaan qorshe lagu sugayo amaanka qof kasta. Waxa kale oo ay kugu xidhi karaan ilo kale oo ku salaysan bulshada si uu kaaga caawiyo baahida markaa taagan iyo sidii aad taageerada aad u baahantahay aad u heli lahayd.
Maxaa dhicidoona haddii aan idin soo waco?
Shaqaalaha dhibaatooyinka caafimaadka maskaxda ayaa kaa qaban doona oo ku weydiin inaad u sheegto dhibka jiraa waxa uu yahay. Waxay ugu horeyn ku weydiin doonaan su’aalo ku saabsan bal in adiga ama qof qoyskaaga ahi uu khatar ku jiro. Waxay ururin doonaan qaar ka mid ah macluumaad aasaasi ah oo ku saabsan waxa ay baahidaadu tahay. Markaas kadib waxay kaa caawin doonaan inaad ka fikirto wixii fursado ah sidii wax looga qaban lahaa dhibaatadaada. Waxaana ka mid noqon kara booqasho qof kugu soo booqdo meeshii aad rabto.
Yaan la hadli doonaa?
Shaqaalaha dhibaatooyinka maskaxda oo loo tababaray caafimaadka maskaxda.
Waa maxay aqoonta shaqaalaha ka hortaga dhibaatooyinku?
Shaqaaluhu waa xirfadlayaal caafimaadka maskaxda. Waxaa laga yaabaa aasaas ahaan in ay barteen cilmiga Social Work, Psychology ama cilmu-nasfiga, marriage and family therapy, counseling oo ah la talinta qoysaska iyo guurka ama nursing ama kalkaaliye. Shaqaalaha qaar ayaa sidoo kale haysta shahaadada takhasuska ee Certified Family Peer Specialists.
Mudo intee le’eg ayay qaadan doontaa in aan helo caawimo?
Taleefanka waxaa ka laga jawaabaa 24/7 (waqtiga kasta). Haddii aad jeclaan lahayd in aad shaqaalaha dhibaatooyinka la kulanto, waxay kuugu iman sida ugu dhakhsaha badan ee suurtogalka ah isla maalintaas.
Maxaa kharash ah oo igaga bixi kara?
Ma jiro wax kharash oo aad jeebkaaga ka dhiibi. Haddii aad haysto caymis caafimaad oo daboola adeegan, waxaan ku dalici doonaa caymiskaaga caafimaad hadii aan kusoo booqano.
Maxaa dhacaya haddii aanan haysan caymis caafimaad?
Uma baahnid caymis caafimaad si aad u hesho adeegyadeena.
Ma qarsoodi baa adeegani? Miyaad cidna u sheegi doontaan in aan idin soo wacay?
Wicitaanku waa asturananyahay (qarsoonyahay). Si kastaba ha ahaatee, haddii uu qof ku jiro halis dhab ah oo uu khatar u gaysanayo naftiisa ama kuwo kale, shaqaalaha waxaa laga yaabaa in ay sameeyaan wixii la gudboon si loo ilaaliyo badbaadada ama amaanka qof kasta.
Waxaan ahay qof weyn oo ka walwalsan qofka dhalinyaro ah. Ma inaan waalidka ilmahaas la xidhiidhaa inta aanan idin soo wicin ka hor?
Waad wici kartaa kooxda caawimaadka xitaa haddii mas’uulka ilmaha aan la heli karin. Waxay kaala hadli doonaan wixii ku saabsan xaaladda oo ay kaa caawin go’aaminta tallaabada aad u baahantahay in aad samayso. Waxaa sida caadiga ah loo baahan yahay in waalidka ama qofka ilmaha masuulka ka ah uu ka qayb qaato caawinta ilmaha, laakiin waxaa jira mar mar laga maarmi karo waalidka.
Waxaan ahay qof dhalinyaro ah ee dhibaataysan. Haddii aan idin soo waco, miyaad wici doontaan waalikayga?
Shaqaalaha dejinta xiisadda ayaa kula hadli doona si ay u arkaan dhibaatada iyo sida ugu haboon ee aan kuu caawin karaan. Sida caadiga ah waxaa loo baahanyahay in ay waalidiintu ku qayb-qaataan, laakiin waxaa jira mar mar laga maarmi karo waalidka.
Ma idiin soo diri karaa fariin qoraal ah?
Fariinta qoraalka ee taleefanka moobaylku diyaar uma aha hadda shaqaalaheena magaalooyinka mataanaha ah.
(in English)